Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii uu ku guuleystay 72 cod.
Guddoomiye Mahad ayaa la wareegay shir-guddoonka Golaha maadaama uu noqday Guddoomiyaha sharciga ah ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa isla maalintaan loo doortay Mudane aadan Xasan Maxamed Usaama isaga oo helay 83 cod.
Guddoomiye ku xigeenbka labaad ayaa loo doortay Marwo Shamso Maxamed Yaroow iyada oo heshay codad gaaeraya 70 cod.


