Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey

Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey, xafladda dhaartuna waxay ka dhacday xarunta Baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.

Dhaarta xilka waxaa dhammaan 95-ka Xildhibaan ku dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Muuse.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay musharraxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha, wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka ah iyo marti-sharaf kale.

Dhaarta kadib, Xildhibaanadu waxay si rasmi ah u la wareegeen waajibaadkooda iyo awooddooda dastuuriga ah, iyagoo ah wakiillada shacabka.

Kadib dhaarinta, Mudane Cabdullaahi Aadan Cali “Shaleetey” ayaa la wareegay xilka Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top