Baydhabo, 17 Sebtembar 2026: Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Golaha ku yeeshay kulankii 4-aad ee Kalfadhiga 1-aad, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray Cutubyada 4-aad, 5-aad iyo 6-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha. Waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Aadan Xasan Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow, Hab-dhowraha iyo Ku-xigeenkiisa, iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha.
Ugu horrayn, Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda ayaa Guddiga Joogtada ah u soo bandhigay warbixinta wax-ka-beddelka ee Cutubyada 4-aad, 5-aad iyo 6-aad, kuwaas oo loo diyaarinayay in la horgeeyo fadhiga guud ee Golaha si Xildhibaannadu uga doodaan.
Xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa si faahfaahsan uga dooday cutubyada la soo bandhigay, iyagoo tilmaamay qodobbo u baahan dib-u-habeyn iyo wax-ka-beddel si Xeer-hoosaadku ula jaanqaado Dastuurka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda faray inay diyaariyaan nuqullada wax-ka-beddelka ee cutubyada u baahan doodda Xildhibaannada, si loogu horgeeyo Golaha fadhiga xiga.
Ugu dambayn, Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda ayaa caddeeyay in cutubyada soo maray Guddiga Joogtada ah loo diyaarin doono doodda iyo wax-ka-beddelka Xildhibaannada, si loogu sii ambaqaado geeddi-socodka dib-u-eegista Xeer-hoosaadka Golaha.






















