Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta
Bogga Hore » Guddiyada » Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta
Ku Saabsan Guddiga
Guddigani wuxuu qaabilsan yahay arrimaha la xiriira garsoorka, arrimaha diinta iyo awqaafta. Wuxuu Golaha ka taageeraa dib-u-eegista shuruucda, siyaasadaha iyo arrimaha guud ee hoos yimaada waajibaadkiisa, wuxuuna gacan ka geystaa xoojinta caddaaladda, sarreynta sharciga iyo habsami-u-maamulka arrimaha diinta iyo awqaafta.
Waajibaadka iyo Mas’uuliyadaha
Guddigu wuxuu dib-u-eegis ku sameeyaa hindise-sharciyeedyada, siyaasadaha iyo arrimaha la xiriira garsoorka, hay’adaha caddaaladda, arrimaha diinta iyo awqaafta. Wuxuu sameeyaa korjoogteynta Golaha ee dhinacyadaas, wuxuu eegaa arrimaha Golaha u soo gudbiyo, wuxuuna diyaariyaa warbixinno iyo talooyin iyadoo la raacayo Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha.
Xubnaha Guddiga