Baydhabo, 18 Oktoobar 2026: Guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu hambalyo u dirayaa Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug:
- Mudane Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne) — Guddoomiyaha Golaha
- Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Quri — Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad
- Mudane Mursal Cabdi Aadan (Haraad) — Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad
Guddoonku wuxuu mas’uuliyiinta cusub u rajaynayaa guul iyo gudasho wanaagsan oo waajibaadka loo igmaday, iyo wada-shaqayn dhow oo dhex marta goleyaasha sharci-dejinta ee Dowlad-Goboleedyada.


