Baydhabo, 2 Sebtembar 2026: Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa yeeshay Kulankii 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Mudane Aadan Xasan Maxamed.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodista wax-ka-beddelka Cutubka 1-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha. Xildhibaannada ayaa qodob-qodob uga dooday soo-jeedimaha wax-ka-beddelka, iyagoo dhiibtay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan tayeynta nuxurka iyo habraacyada Xeer-hoosaadka.
Doodda Xildhibaannada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waafajinta Xeer-hoosaadka Dastuurka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannadu waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ilaalinta madaxbannaanida Golaha Wakiillada, dhowrista xasaanadda iyo xuquuqda Xildhibaannada, iyo in qodobbada Cutubka 1-aad loo habeeyo si cad oo xoojinaya habsami-u-socodka shaqada Golaha.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda faray inuu aragtiyaha iyo soo-jeedimaha Xildhibaannada ku saleeyo dib-u-habeynta Cutubka 1-aad, si loo xaqiijiyo waafaqsanaanta Xeer-hoosaadka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha ayaa Xildhibaannada ku boorriyay joogteynta ka-qaybgalka fadhiyada Golaha iyo gudashada waajibaadkooda matalaadda, sharci-dejinta iyo isla-xisaabtanka.

















































