Farriinta Guddoomiyaha
Bogga Hore » Ku Saabsan Golaha » Farriinta Guddoomiyaha
Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
Sharaf weyn ayey ii tahay inaan hoggaamiyo Golaha Wakiillada marxaladdan muhiimka u ah dimuqraadiyadda Koonfur Galbeed. Doorashadii 95-ka Xildhibaan ee shacabka Koonfur Galbeed soo doorteen 10-kii May 2026 waxay astaan u noqotay marxalad cusub oo matalaad dhab ah iyo kalsooni shacab ku dhisan, waxayna xoojisay doorka Golaha Wakiillada ee dowladnimada Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyaddan waa kalsooni ay shacabka na saareen. Waxay naga doonaysaa inaan matalno danahooda, dejinno shuruuc ka jawaabaya baahiyahooda, sameyno korjoogteyn wax-ku-ool ah, ilaalinno hantida dadweynaha, isla markaana hay’adaha dowladda la xisaabtanno.
Waxaa naga go’an inaan ilaalinno madaxbannaanida iyo karaamada Golaha, hubinno in habraacyadiisu ku dhisnaadaan caddaalad iyo dhexdhexaadnimo, isla markaana u suurtagelinno Xildhibaannada iyo Guddiyada inay si hufan oo tayo leh u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Waxaan tayeyn doonnaa doodaha Golaha, xoojin doonnaa dib-u-eegista shuruucda, korjoogteyn doonnaa kharashaadka dadweynaha, waxaana dabagal ku sameyn doonnaa hirgelinta shuruucda iyo go’aannada Golaha.
Annagoo ku shaqeyneyna Dastuurka, Xeer-hoosaadka Golaha iyo Qorshaha Istiraatiijiyadeed 2026–2031, waxaan xoojin doonnaa awoodda Xildhibaannada, dhisi doonnaa howl-wadeenno xirfad leh oo si wanaagsan u taageera shaqada Golaha, Xildhibaannada iyo Guddiyada, waxaanan casriyeyn doonnaa nidaamyada iyo maamulka Golaha si muwaadiniintu u helaan fursado wax-ku-ool ah oo ay uga qaybqaataan shaqada Golaha.
Marka la gaaro 2031, himiladeennu waa inaan dhisno Gole awood iyo hufnaan leh, lagu kalsoonaan karo oo casri ah; Gole sameeya sharci-dejin tayo leh, fuliya korjoogteyn wax-ku-ool ah, xoojiya dowladnimo ku dhisan Dastuurka, isla markaana xiriir dhow la leh shacabka uu matalo.
Gudashada waajibaadkan waxay u baahan tahay iskaashi iyo mas’uuliyad wadajir ah. Annagoo kaashaneyna dhammaan Xildhibaannada, hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, saaxiibada horumarinta iyo muwaadiniinta, waxaan xoojin doonnaa hab-dhaqanka dimuqraadiyadeed ee Golaha, horumarin doonnaa isla-xisaabtanka dadweynaha, waxaana adkeyn doonnaa kalsoonida shacabka ee Golaha.
Guusheenna waxaa lagu cabbiri doonaa tayada shuruucdeena, waxtarka korjoogteynteenna, tayada shaqada Guddiyada, kartida howl-wadeennada, iyo tan ugu muhiimsan, kalsoonida shacabka aan u adeegno.