Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr Ali Said Faqi ayaa Caawa kormeer ku tagey Saldhigyada Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin Xaafadaha , Bar kantaroolada laga soo galo Magaalada , iyo goobaha Ganacsiga Magaalada Baydhabo.Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Faqi ayaa socod dheer kusoo marey wadooyinka Magaalada ,Wuxuna u kuur galeyay Amniga iyo horumarada ganacsi ee ka jira Magaalada Baydhabo.Waxaana Gudoomiyaha Kormeerka Ku wehlinaayay Wasiiro , Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Koonfur Galbeed Soomaaliya