Taariikhda Taxanaha Baarlamaanada Soomaaliya

Soomaaliya, oo loola jeedo labadii gobol oo ku midowday Jamhuuriyadda Soomaaliya 1dii Luulyo 1960kii, waxay soo martay marxalado kala duwan tan iyo markii Dawladda Talyaaniga iyo midda Ingiriisku ay billaabeen in ay ku fidaan gobolladan laga billaabo dhammaadkii qarnigii 19aad. Qoraalkan wuxuu ku salaysan yahay daraasad laga sameeyey taxanaha golayaashii sharcidejinta Soomaaliya soo yeelatay, qaabka ay golayaashu ku iman jireen, madaxdoodii iyo gunnada ay qaadan jireen. Daraasaddu waxay koobaysaa golayaashii sharcidejinta ee ka hirgalay labada Gobol ee Soomaaliya oo ku kala jiray gacanta Maxmiyadda Ingiriiska iyo Wasaayadda Talyaaniga oo 1dii Luulyo 1960kii ay ka abuurantay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Inta ayan Somaaliya xoroobin, labada gobol waxaa ka hanaqaaday golayaal sharcidejin oo markii hore ku dhisnaa hab magacaabid kaddibna doorasho.

Dhinaca Waqooyi ama Maxmiyadda British Somaliland marka laga billaabo, 1946 waxaa la dhisay gole lagu magacaabo Golaha La-tashiga (Advisory Council) oo sanakiiba hal mar shiri jiray.1955tii waxaa la soo saaray sharci lagu magacaabay “The Somaliland (Constitution) Order in Council 1955” oo dhanqalkiisu dib u dhacay ilaa 1957, xilligaasoo la dhisay Golihii u horreeyay ee Sharcidejinta British Somaliland oo ka koobnaa xubno isku dhafan. 1959kii waxaa dhaqan galay mar labaad isla sharciga sare ku tilmaaman “The Somaliland (Constitution) Order in Council” oo lagu dhisay Gole sharcidejin ka kooban xubno la soo doortay iyo qaar ku yimid magacaabid. 1960kii doorasho ku salaysan isla sharcigii ahaa “The Somaliland (Constitution) Order in Council” ayaa ka dhacday Ex-British Somaliland. Waxaa doorashada ka qayb galay xisbiyadii halkaa ka jiray waxaana lagu soo doortay 33 xubnood oo ka kala tirsanaa saddex xisbi siyaasadeed: SNL: 20 kursi; USP: 12 kursi iyo NUF: 1 kursi. Dhinaca kale ee Koofur, markii ugu horreysay ee Soomaalida ku nool dalkii loo yiqiin “Somalia Italiana” laga talogeliyey aayaha dadka iyo dalka, loona dhisay gole u habaysan qaab barlamaan, wuxuu ahaa xilligii Talyaanigu uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya isagoo ka wakiil ah Qarammada Midoobay, kalana wareegay maamulkii Soomaaliya dawladdii Ingiriiska oo gobolkan ka qabsatay Talyaaniga 1941kii. 1951kii golihii u horreeyey oo qaab barlamaan u dhisan ayaa laga aasaasay Muqdisho waxaana la dhihi jiray “Consiglio Territoriale” ama “Al-majlis Al-Iqliimi”, Magaca rasmiga ah ee xubnuhu wuxuu ahaa “Consiglieri Territoriali”, sida ku xusan Amarka (Ordinanza) lambar 144 ee 30kii Dishember 1950. Xubnuhu waxay ku iman jireen hab magacaabid (nomina) ee ma ahayn kuwo doorasho dadweyne toos ah ku yimaada, magacaabiddaasoo uu xeer ku meelmarin jiray Xaakimkii Idaariga Talyaaniga ahaa ee Soomaaliya (Amministratore), soojeedintuse waxaa lahaa qaybaha bulshada ee xubnahaaasi ay matilayeen. Xubnaha Goluhu “Consiglio Territoriale” waxay ka iman jireen 5 (shan) qaybood oo kala ahaa:
(1) Xubno ka socda Gobollada dalka (Rappresentanza Regionale)
(2) Xubno ka socda Xisbiyo siyasadeed (Rappresentanza politica)
(3) Xubno ka ka socda qaybta dhaqaalaha (Rappresentanza economica)
(4) Xubno ka socda hiddaha iyo dhaqanka (Rappresentanza cultrtale) iyo
(5) Xubno ka socda jaaliyadihii shisheeyaha ahaa ee degganaa dalka (Rappresentanza delle Comunita’ minori).

Muddada xilka Gole kaastaana waxay ahayd hal sano. Xubnuhu ma ayan lahayn mushaar ama gunno bileed (indennita’ parlamantare mensile). Waxay qaadan jireen gunno fadhi marka ay shir ka soo qayb galaan (gettone di presenza) iyo kharajka uga baxa safarka ilaa Xamar si ay shirarka golaha uga qayb galaan. (Amarka (Ordinanza) lambar 3 rep. ee Febbraio 6, 1951). Shirarka Golaha “Consiglio Territoriale” waxaa guddoomin jiray Madaxa Maamulka AFIS, (Amministratore) ee Dawladda Taliyaaniga ama Sarkaal uu asagu wakiishay. Laba Guddomiye ku xigeenno ayuu Goluhu lahaa waagaas waxayna kala ahaayeen Aden Cabdulle Cusmaan iyo Cabdinuur Maxamad Xuseen oo ka kala tirsanaa Xisbiyadii SYL iyo Hizbiya Dighil iyo Mirifle (HDM). Goluhu wuxuu ku shaqeyn jiray xaruntii hore ee “Comando di Polizia” oo ku tiil meeshii markii dambe laga dhisay daarta “Banca Commerciale”.

Intii uu jiray golihii lagu magacaabi jiray “Consiglio Territoriale”, tirada xubnaha golaha isbeddello ayaa hadba ku dhacayey. Sanadkii 1951, oo la dhisay golihii u horreeyey, Xubnuhu waxay ahaayeen 35 xubnood oo isugu jiray Somaali iyo ajaanib ka wakiil ah jaaliyadihii shisheeye ee dalka deggenaa oo ay ka mid ahaayeen Carab, Taliyaani, Hindi iyo Pakistan. Sanadkii 1952, tiradii Xubnaha Golaha oo weli wata isla magicii ahaa “Consiglio Territoriale” waa la kordhiyey waxaana la gaarsiiyey 44 xubnood. Sanadkii 1953 xubnihii Golaha “Consiglio Territoriale” waxaa la gaarsiiyey 51 xubnood (arag: Amarka/Ordinanza n. 22 rep. del Dicembre 21, 1953) . Sanadihii 1954 iyo 1955, tiradii xubnaha Golaha is beddel laguma samayn. (arag: Amarka/Ordinanza) lambar 22 rep. ee 21ka Dishember 1953). Haddaba, 1951 ilaa 1955 waxaa Soomaaliya ka hirgalay shan gole (consigli territoriali) oo mid kastaaba muddadiisu ahayd hal sano oo ilaa xad talo ka dhiiban jiray shuruucda iyo xeerarka cusub ee dalka loo dejin jiray ama ra’yi iyo talo laga weydiiin jiray tallaabooyinka muhiimka ah ee maamulkii AFIS. Sanadkii 1956 waxaa la qabtay doorashadii siyaasadeed ee ugu horreysey oo dalka ka dhacda. (arag: Amarka/Ordinanza) lambar 6 ee Maarso 1955). Xubnaha Goluhu waxay noqdeen kuwa dadweynuhu soo doortaan oo tartan loo galo. Tirada Golaha waa ay korortay oo waxay gaartey 70 xubnood oo isugu jira lixdan (60) Somaali ah iyo toban (10) shisheeye ah. Xubnaha ka socda Jaaliyadaha shisheeye iyaga si gaar ah u soo xulan jiray wakiilladooda. Doorashadii 1956 (Febbraio 29, 1956) wixii ka dambeeyey Golaha magaciisii waa uu is beddeley oo wuxuu noqday “Assemblea Legislativa/ Golaha sharcidejinta” . Sidaas ayuuna magacii hore oo ahaa “Consiglio Territoriale” ku dhammaaday. Waxaa dhismay barlamaan dhab ah oo ka mas’uul ah dejinta shuruucda dalka. Waxaa loogu waqlalay inuu yahay Madashii koowaad ee sharcidejinta Soomaaliyeed (Prima Legislatura della Soomalia). Xubnihii la soo doortay waxay noqdeen “Deputati”, magacii hore ee loo yiqiiney “Consiglieri Territoriali”, sidaas ayuu ku dhammaaday. Barlamaanka waxaa xarun u noqotay daartii guduudneyd oo loo yiqiin Daarta Barlamaanka oo bartamaha Xamar ku tiil.

FG: (Inta Goluhu u soo wareegin dartan, wuxuu muddo kooban ku sii shaqeeyey xaruntii Consiglio Territoriale, sababtoo ah hawlo dib u habayn ah ayaa ku socotay golaha cusub).aadii’ iyo aragtiyo cusub xambaarsan (arag: Legge/Sharci 6 Gennaio n.6: Attribuzione dei poteri costituzionali all’Assemblea Legislativa ). Waxaa xusid muddan in Golaha madashani ay gudaneysay laba xil oo kala ah xilka gole sharcidejin caadi ah marka ay Xildhibaanada kaligood fadhiyaan iyo xilka Golaha Dastuurdejinta marka ay la fadhiyaan xubnaha ay isku kordhiyeen.

Himiladii iyo rajadii laga lahaa dastuurkan cusub ma dhaboobin. Jennaayo 1991kii waxaa gebi ahaan burburtay dawladdii dhexe iyo dhammaan hay’adihii (istituzioni) dawladda, ciidan iyo rayadba leh.
Muddadii 23ka sannadood ee ka dambeysay burburkii dawladda Soomaaliyeed waxaa dhismay barlamaanno ku-meelgaar ah oo ku soo dhammaaday dhalashadii baarlamaankeenan rasmiga ah oo aan madashiisa ku jirno.
Marka la soo koobo, Soomaaliya (Waqooyi iyo Koofurba), marxalado sharcidejin oo kala duwan ayay soo martay. Soomaaliyada Waqooyi ama Ex-British Somaliland waxay soo yeelatay golayasha soo socda: Golaha la dhisay 1959 oo ku salaysnaa sharci la yiraahdo “The Somaliland (Constitution) Order in Council 1959”. Xubnaha goluhu waxay isugu jireen kuwo la soo doortay iyo kuwo ku yimid magacaabid. Gole labaad ayaa la dhisay 1960, isna ku salaysnaa isla sharcigii magaciisu ahaa “The Somaliland (Constitution) Order in Council”. Golahan wuxuu ku yimid doorasho la qabtay bishii Febrayo 1960, doorashadaasoo ay ka qaybgaleen xisbiyadii Gobolka ka jiray markaas. Xubnaha Goluhu waxay ahaayeen 33 waxaana ku guuleystay saddexda xisbi oo kala ahaa SNL: 20kursi; USP: 12 kursi; NUF: 1 kursi. Dhinaca koofurna waxaa ka hirgalay golayaasha soo socda: 1951kii ilaa 1956 waxaa dalka laga dhisay golayaal sannadle ahaa oo lagu magacaabi jiray ‘Consiglio Territoriale’.1956dii waxaa Koonfurta Soomaaliya, markii ugu horreysay, si toos ah dadweynuhu u soo doorteen Gole lagu magacaabi jiray ‘’Assemblea Legislative’’ oo ka kooban 70 xildhibaan: 60 Soomaali ah iyo 10 matisha jaaliyadihii shisheeye ee dalka ku noolaa.1959kii waxaa la qabtay doorasho labaad. Xubnaha Golaha waxaa la gaarsiiyay 90, dhammaantoodna Soomaali ayay ahaayeen. Luulyo 1960kii, midowgii Soomaaliyadii ku jirtay gacanta Britain iyo Soomaaliyadii ku jirtay maamulka wasaayada talyaaniga waxaa ka abuurmay barlamaan isku dhaf ah oo ka dhismay xildhibaannadii ka hawlgeli jiray labada gobol ee isku darsamay, waxayna noqdeen 123 xildhibaan (90 Koonfurta iyo 33 Waqooyiga). 1964tii doorasho ayaa qabsoontay waxaana lagu soo doortay xildhibaannadii madasha sharcidejinta labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. 1969kii sidoo kale doorasho ayaa qabsoontay waxaana lagu soo doortay xildhibaannadii madasha sharcidejinta 3aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. 21kii Oktoobar 1969kii awooddii dalka waxaa la wareegay Ciidammada Qalabka Sida. Sharcidejinta dalka waxaa qabtay Golihii Sare ee Kacaanka iyo Golihii Xoghayayaasha.
1976dii Waxaa la aasaasay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed oo la wareegay xilkii sharcidejinta dalka. 1979kii dalka waxaa loo dejiyey dastuur. Xilkii sharcidejinta waxaa lagu wareejiyey Gole Shacab dadweynuhu afti qaran ku doorteen. Natiijada aftida waxaa lagu dhawaaqay 6dii Jennaayo 1980kii. Shan sannadood kaddib, ama 1984, doorashadii labaad ee xilligii kacaanka ayaa qabsoontay waxaana lagu soo doortay Gole shacab cusub. Dastuur cusub oo ku qotoma hannaanka dimoqaraadiyadda ayaa la dejiyey Oktoobar 1990. Waxay ahayd doorasho axsaab ku dhisan in la galo muddo sannad gudaheed ah, ilaa waqtigaas laga gaarayana golihii shacabka ee markaas jiray inuu sii wado hawshii sharcidejinta. Jennaayo 1991kii waxaa burburtay dawladdii Dhexe ee Soomaaliya. Muddadii burburka oo ah ku dhawaad 23 sannadood, golayaal sharcidejin oo ku-meelgaar ah ayay Soomaaliya yeelatay laga billaabo shirkii Carta ilaa barlamaankeenan rasmiga ah ee hadda shaqeeya.
Maamulladii Soomaaliya soo maray, xattaa marka lagu daro kuwii dawladaha Yurub, Soomaalida waa lagala tashan jiray arrimaha u gaarka ah. Degmooyinka waxaa ka dhisnaa golayaal ku magacawnaa “Consigli Distrettuali” oo ka koobnaa nabaddoonno ka soo jeeda beelaha kala duwan ee degmada, culumo, ganacsato iyo waayo-arag kale oo wareysi lala yeelan jiray marka arrin muhim ah tallaabo laga qaadayo. Ha ahaatee laguma tilmaami karo kuwaas golayaal sharcidejin.