Guddiyada Golaha Wakiilada

Sida uu Qabo qadobka 37aad ee Xeer-Hoosaadka Golaha Wakiilada , Goluhu wuxuu leeyahay awoodaha soo socda oo kala:

1. Golaha wakiilada isaga oo xilkiisa u gudanayo si waafaqsan Dastuurka waxaa uu yeelanayaan Guddi hoosaad joogto ah iyo kuwo gaar ah.

2. Guddomiyaha Golaha, asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa, waxa uu magacaabaa guddiyo u xilsaaran in ay qabtaan howlo gaar ah, warbixintoodana u soo gudbiya Guddoonka Golaha Wakiilada DGKG, si loo horgeeyo Golaha wakiilada.

3. Haddii hal shaqo ay ka wada dhaxayso dhowr guddi, guddiga arrinka masuulka ka ah iyo guddiyada hawshu kala dhaxayso waa inay isku waafaqaan waqti xaddidan oo ku haboon gudbinta aragtiyadooda.

4. Haddii ayna gaarin waqti xaddidan waxaa waqtiga go’aaminaya Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DGKG, asagoo markaa kadib sidaas ku wargalinaya Guddoonka.

Guddiyada Golaha oo ka kooban 17 Guddi oo kala ah sida tan soo socoto:

Lr #Magacyada Guddiyada
1Guddiga Arrimaha Amniga & Xuduudaha
2Guddiga Arrimaha Diinta & Awqaafta
3Guddiga Cadaalada
4Guddiga Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose
5Guddiga Dastuurka, Dib u Heshiisiinta & Xalinta Khilaafaadka
6Guddiga Caafimaadka
7Guddiga Waxbarashada
8Guddiga Shaqada & Shaqaalaha, Dhalinyarada & Cayaarasha
9Guddiga Isgaarsiinta & Warbaahinta
10Guddiga Beeraha, Xanaanada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga
11Guddiga Kheyraadka & Ilaalinta Bee’ada
12Guddiga Maaliyada, Tirokoobka & Qorsheynta
13Guddiga Ganacsiga & Warshadaha
14Guddiga Howlaha Guud, Tamarta & Gaadiidka Cirka & Dhulka
15Guddiga Hub-kadhigista & Dhaqan Celinta Maaleeshiyaadka
16Guddiga Haweenka, Xuquuqul Aadanaha & Arrimaha Bani’aadannimada
17Guddiga Xeer-Hoosaadka