Kalfadhiyada Iyo Fadhiyada Golaha Wakiilada
Si waafaqsan qodobka 41 aad ee dastuurka dowlad gobleedka koonfur galbeed, wuxuu goluhu yeelanayaa Kalfadhiyo iyo fadhiyo, sidoo kale Xeer-Hoosaadka Golaha Qodobkiisa 17aad waxayna u dhacayaan sida soo socotaa:
- Golaha Wakiilada wuxuu sanadkiiba yeelanayaa labo kala-fadhi oo caadi ah. Kalfadhi kasta ee Baarlmaanka wuxuu soconayaa afar bilood.
- Kalfadhi kasta marka uu dhamaado wuxuu Goluhu qaadanayaa laba bilood oo fasax.
- Haddii sababo Jira awgood, kalfadhiyada ay raaci waayaan qaabka kor ku xusan, markaas waxaa kalfadhiga laga dhigayaa taariikhda ugu horeysa ee suurta galka ah.
- Wasiirada iyo wasiir ku xigeenada aan xubnaha ka ahayn golaha waxa ku waajib ah in ay ka qeyb galaan fadhiyada Golaha Wakiilada iyo Guddiyaadiisa gaarka haddii la soo gaarsiiyo codsi qoraal ah oo lagaga codsado ka soo qayb galka, waxeyna xaq u leeyihiin in ay ka qeyb qaataan doodaha, haseyeeshee xaq uma laha codeyn.
- Madaxweynaha wuxuu xaq u leeyahay in uu u soo wakiisho ku xigeenkiisa ama wasiir ka qeyb galka fadhiyada GolahaWakiilada.



Recent Comments