Sida uu Qabo Qodobka 19aad ee Xeer-Hoosaadka Golaha Ajendaha wuxuu Noqonaaya sida tan soo socota:

1.      Guddiga Joogtada Arrimaha Golaha wuxuu diyaarin doonaa ajendaha fadhiyada soo socda ee Golaha. Ajendaha waxaa loo qeybinayaa xildhibaanada Golaha ugu yaraan 48 saacadood ka hor fadhiga loo dhan yahay.

2.      Ajendaha waxaa loo tixgalinayaa in la ansaxiyay, haddii aysan ugu yaraan 25 xildhibaan ay bilowga fadhiga u gudbinin Guddoomiyaha Golaha mooshin qoraal ah oo wax lagaga bedelayo ajendaha iyagoo soo jeedinayo arrin deg-deg ah. Mooshinkana waa in ay ku saxiixan yihiin xubnaha taageeraya.

3.      Ajendaha hadii ay codsadaan 25 xildhibaan in wax cusub lagu daro ama wax laga beddelo waxaa guddoonka laga doonayaa in uu ku soo daro ajendaha isla fadhigaas hadii ay u codeeyaan (50% + 1) ee tirada fadhida.