Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Amb. Dr. Ali Said Faqi ayaa maanta Baydhabo ku daah-furay kulan ku saabsan heerka howlgalka barnaamijka Baxnaano iyo dahafurka Barnaamijka caawinta qoy’saska Anyaxu saameeyey ee ku nool deeganada Koonfur galbeed Soomaaliya,Waxaana daah-furka barnaamijkaasi qeyb ka ahaa sii hayaha wasiirka Wasaaradda Dhaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mdne. Sadiiq Warfaa, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowlad Goboleedka KGS, Mdne. C/qadir Cumar Cabdullahi (Baasto), Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS, Maamulka Gobolka Baay, qaar ka mid ah agaasimiyaasha wasaradaha DGKGS iyo Mas’uuliyiin kale oo dhamaan kasoo wada qayb galay daahfurka.