Guddomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS Amb.Dr Ali Said Faqi oo ka qeyb galey Munaasabad kooban oo lagu daahfureyay masharuuca Biyooley oo ay ka faa’ideysan doonan ku dhawaad 39,000 qof oo ku nool Deeganada Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa daahfurey mashruuca.