Kullanka Xildhibanada Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS ayaa waxa soo xaadirey 87 Xildhiban , waxana shir Guddoominaayay Guddoomiyaha Baaralamanka Dowlad Goboleedka KGS Amb.Dr. Ali said Faqi iyo Labadiisa kuxigeen.Ajandaha Kullanka ayaa waxaa uu ahaa Mooshin muda xileedka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya loogu kordhinaayo kaasi oo ay soo jeediyeen Xildhibaano gaareya 30 mudane.Intaasi ka dib waxaa la guda galey meel marinta mooshinka Waxaa ansixiyay Xildhibano gaareya 87 mudane Majirto wax diidey Ama ka aamusey sida uu natiijada uu ku dhawaaqey Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS Amb.Dr. Ali Said Faqi.Muda xileedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Xildhibanada ayaa hada ah mid la is waafijiyay kaasi oo ku’eg 2024-ka.