Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Abdikadir Sharif Sheekhuna Maye ayaa Maanta Baydhabo kusoo dhaweyay Wafdiga uu hogaaminaayey Safiirka midowga Yurub ee Somaliya Niclos Barlaanga Waxaana ku wehlinayay Diblumaasiyiin iyo Saraakiil ciidan oo katirsan ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.
Waxaana xaruunta Aqalka madaxtooyada ay kulan kula qaateen Guddoomiyaha Baarlamanka , Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed.
Gaadiid Ciidan oo looga talagaley in ay ku howlgalaan Ciidamada Booliska ayaa waxaa safiirka uu kuwereejiyey Gudoomiyaha Baarlamanka iyadoona Siwadajir ah u kormeey Xaruunta ADC oo laga dhigeyo Xaruun lagu tababaro Ciidamada.
Waxaa sidoo kale ay kormeereen Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo oo balaarin iyo Dayactir Lagu Sameeyey islamarkaasina Lagu soo kordhiyey Dhismiyaal Cusub.
Niclos Barlaanga safiirka midowga yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay siiwadi doonaan taageerada dhan walba ah oo ay siinayaan Ciidamada Booliska KGS.
Gudoomiyaha Baarlamanka KG Mudane C/qaadi shariif sheekuna maye ayaa dhankiisa umahadnaqey Safiirka midowga yurub sida ay utayeynayaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed Wuxuna bogaadiyey sida mar walba Midowga Yurub ugarabtaaganyihiin Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya .




Recent Comments