Guddiyada Golaha Wakiilada
Sida uu Qabo qadobka 37aad ee Xeer-Hoosaadka Golaha Wakiilada , Goluhu wuxuu leeyahay awoodaha soo socda oo kala:
1. Golaha wakiilada isaga oo xilkiisa u gudanayo si waafaqsan Dastuurka waxaa uu yeelanayaan Guddi hoosaad joogto ah iyo kuwo gaar ah.
2. Guddomiyaha Golaha, asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa, waxa uu magacaabaa guddiyo u xilsaaran in ay qabtaan howlo gaar ah, warbixintoodana u soo gudbiya Guddoonka Golaha Wakiilada DGKG, si loo horgeeyo Golaha wakiilada.
3. Haddii hal shaqo ay ka wada dhaxayso dhowr guddi, guddiga arrinka masuulka ka ah iyo guddiyada hawshu kala dhaxayso waa inay isku waafaqaan waqti xaddidan oo ku haboon gudbinta aragtiyadooda.
4. Haddii ayna gaarin waqti xaddidan waxaa waqtiga go’aaminaya Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DGKG, asagoo markaa kadib sidaas ku wargalinaya Guddoonka.
Guddiyada Golaha oo ka kooban 17 Guddi oo kala ah sida tan soo socoto:
| Lr # | Magacyada Guddiyada |
| 1 | Guddiga Arrimaha Amniga & Xuduudaha |
| 2 | Guddiga Arrimaha Diinta & Awqaafta |
| 3 | Guddiga Cadaalada |
| 4 | Guddiga Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose |
| 5 | Guddiga Dastuurka, Dib u Heshiisiinta & Xalinta Khilaafaadka |
| 6 | Guddiga Caafimaadka |
| 7 | Guddiga Waxbarashada |
| 8 | Guddiga Shaqada & Shaqaalaha, Dhalinyarada & Cayaarasha |
| 9 | Guddiga Isgaarsiinta & Warbaahinta |
| 10 | Guddiga Beeraha, Xanaanada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga |
| 11 | Guddiga Kheyraadka & Ilaalinta Bee’ada |
| 12 | Guddiga Maaliyada, Tirokoobka & Qorsheynta |
| 13 | Guddiga Ganacsiga & Warshadaha |
| 14 | Guddiga Howlaha Guud, Tamarta & Gaadiidka Cirka & Dhulka |
| 15 | Guddiga Hub-kadhigista & Dhaqan Celinta Maaleeshiyaadka |
| 16 | Guddiga Haweenka, Xuquuqul Aadanaha & Arrimaha Bani’aadannimada |
| 17 | Guddiga Xeer-Hoosaadka |



Recent Comments