Sida uu ku Cad Qodobka 27aad ee Xeer-Hoosaadka Golaha ee la Xiriirta Sharciyada Dooda wuxuu kusoo Koobayaa Qodobada Soo Socda.

 Ka doodista hindise Xeer ama mooshinka waa in ay u kala horeysaa sida soo socda:

a)     Cidda keentay hindise Xeerka ama mooshinka

b)    Guddoomiyaha guddiga ay khuseyso Hindise Xeerka.

c)     Guddoomiyeyaasha Guddiyadda joogtada ah

d)    Haddii aaney xukuumadu keenin hindise Xeerka Golahu wuxuu Xukuumadda weydiin karaa aragtideeda/fikirkeeda

e)     Xubnaha kale ee Golaha waxay u hadlayaan sida uu u kala siiyo hadalka Guddoomiyuhu.

f)      Kadib markay dooddu dhamaato, cidda keentay hindisaha Xeerka ama mooshin waxay xaq u leedahay in ay jawaab bixiso.

g)     Guddoomiyaha golaha ayaa soo xiraya doodda isagoo dalbanaya codeynta xubnaha golaha ee ku aaddan hindiso Xeerka ama mooshinka.